Khasaara culus ayaa ciidamada melleteriga Kenya kasoo gaaray weeraro saacadihii lasoo dhaafay lagula beegsaday gobollada Mandheera iyo Jubbada Hoose.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Afmadoow ayaa sheegaya in qarax xooggan lala beegsaday gaari nuuca gaashaaman ah oo ay la socdeen ciidamo katirsan melleteriga Kenya, jugta qaraxa ayaa laga maqlay wadada xiriirisa deegaannada Taabto iyo Qooqaani.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa lagu sheegay in qaraxa ay ku dhinteen 8 askari Kenyaan ah islamarkaana ay ku dhaawacmeen illaa 8 askari waxaana gabi ahaanba burburay gaarigii qaraxu beegsaday.
Dhinaca kale weerar ciidamo Kenyaan ah lagula beegsaday Qorof Xaraar ee gobolka Mandheera ayaa sababay dhimashada sarkaal katirsanaa ciidamada Booliska.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in qaraxu uu haleelay gaari Cabdi Bile ah waxaana ku dhintay sarkaal katirsanaa dowladda Kenya oo Soomaali ah kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Cali Nuur.
Ciidamada Kenya ayaa weeraro dhiigbax joogta ah kala kulmaya Jihaadiyiinta tan iyo markii ay xukuumadda Nairobi iclaamisay in ciidamadeedu qeyb ka yihiin duullaanka gardarrada ah ee lagusoo qaaday dalka Soomaaliya.