Qaraxan oo loo adeegsaday Miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago ayaa lala beegsaday kolanyo ka tirsan ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka oo ku socdaalayay qeybo ka mid ah degmada Bagram oo ah degmada uu ku yaala saldhiga ugu weyn ee ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen dalka Afghanistan.
Qaraxa ka dhacay degmadaasi ka tirsan Wilaayada Barwaan ee Waqooyga Afghanistan ayaa la xaqiijiyay In saliibiyiinta Mareykanka ay kasoo gaartay Khasaara isugu jirta Naf iyo Maal.
Warbaahinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa baahiyay in qaraxaasi lagu dilay Shan askari oo American ah laguna burburiyay Gaari Gaashaaman oo ka mid ahaa gaadiidkii ay wateen Kolanyada qaraxa lala beegsaday.
Dhanka kale Guutada Madaafiicda ee Imaarada Islaamiga Afghanistan ayaa tiro Madaafiic ah ku garaacay saldhig ciidamada Saliibiyiinta Mareykanka ay ka sameysteen deegaan ka tirsan Wilaayada Helmand ee Konfurta dalkaasi.
Madaafiicda ayaa ku dhacay gudaha saldhiga waxeyna taasi sababtay khasaara Naf iyo Hanti ah oo soo gaartay saliibiyiinta Mareykanka ee ku sugan saldhigaasi.
Qaraxa iyo duqeynta lala beegsaday askarta Mareykanka ee duulaanka ku jooga dalka Afghanistan ayaa kusoo aadaysa xilli bishii Shawaal ee aan soo dhaafnay weeraradii ay fuliyeen ciidamada Mujaahidiinta Imaarada Islaamiga Afghanistan ay baqti iyo dhaawac ku noqdeen ku dhawaad Labaatan askari oo Saliibiyiinta Mareykanka ah.