Odayaal kasoo jeeda gobolka Awdal ee waqooyiga dalka Soomaaliya ayaa si weyn uga dhiidhiyey damaca Itoobiya ee qabsashada Xeebaha Soomaaliya. Iyagoo Itoobiya xasuusiyey in aan la hilmaamin dhulka Soomaali Galbeed ee ay xoogga ku haysato.
Waxa ay odayaashani sheegeen in marnaba Itoobiya aanay ka ogolaan doonin qaadashada xeebahooda Saylac, Lughaya iyo guud ahaan xeebaha Soomaaliyeed oo dhan. Iyagoo kooxda riddada Imaaraatka carabta uga digay fara-gelinta ay ku hayso arrimaha Soomaaliya.
Odayaashu waxa kaloo ay ka hadleen isla markaana waxba-kama-jiraan ay ku tilmaameen heshiiskii xaaraanta ahaa ee Xasan Gurguurte iyo Abiy Axmed ay bil ka hor ku galeen dalka Turkiga, kaas oo murtad Gurguurte uu qalinka ku duugay hir-gelinta damaca Itoobiya ay ku rabto inay ku qaadato qaybo ka mida Badda iyo Barriga Soomaaliyeed.
Waxa ay sheegeen in Murtad Gurguurte aanu metelin kana ogolaan doonin wixii ay ka diiddeen Murtad Muuse Biixi, waxaanay ku tilmaameen doqon damiir-laawe ah oo Itoobiya ugu baaqaya sidii ay Badda Soomaaliya u qabsan lahayd. Iyagoo geesta kalena tilmaamay inuu yahay dammiin dhaqaalle ka raadiya dadka dhintay.
Sidoo kale Odayaasha reer Awdal waxa kaloo ay digniin adag u direen dawladda riddada Turkiga waxaanay ugu baaqeen inay raalli-gelin ka bixiso gefkaasi cad ee ay kula kacday ummadda Soomaaliyeed, haddii kalena ka shallayn doonto.
Waxa kale oo ay ka dhawaajiyeen in ummadda Soomaaliyeed ay tahay dad soo jeeda oo marnaba aan la khiyaamayn karin. Isla markaana ay ka war-qabaan damacyada gurracan ee muddada badan ay ku taamaysay dawladda kaafiradda ah ee Xabashida Itoobiya