Ciidamo ka tirsan mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin ee ka jihaada galbeedka Africa, ayaa weerar culus ku qaaday saldhig ciidan oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan murtadiinta Burkiina Faso.
Weerarka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaan lagu magacaabo Sono oo ka tirsan gobolka Didogo, waxayna halkaas ciidamada mujaahidiintu ku dileen ugu yaraan 10 askari oo ka tirsanaa murtadiinta Burkiiniyiinta, sagaal qori oo Ak47 ah ayay sidoo kale soo qaniimeysteen mujaahidiintu.
Waxay sidoo kale ciidamada mujaahidiintu subaxnimadii hore ee maanta si buuxda ula wareegeen gacan ku haynta dhowr baro Control oo ciidamo ka tirsan Riddada Burkiina Faso ku lahaayeen tuulada Jiibuu oo ka tirsan Sowm.
Dhanka kale, mujaahidiinta jamaacada Nusratul islaam wal-muslimiin, ayaa soo bandhigay sawirrada mucaskar cusub oo ay ka qalin-jabiyeen ciidamo ka tirsan jamaacada, mucaskarkan ayaana loogu magac-daray Al-faatix Dhaariq Ibnu Ziyaad Raxmatullaahi Caleyhi.
Waxay sidoo kale mu’assasada Al-zallaqah oo ah garabka warbaahineed ee jamaacada Nusratul islaam baahisay sawirrada xamlo dacawi ah oo rag ka tirsan mujaahidiintu ka wadaan deegaanno ka tirsan mandiqadda Aribanda.
Jamaacada Nusrtul Islam wal-muslimiin waxay bilihii u dambeeyay sameysay horumarro millatari iyo kuwa dacawi ah, waxay na ciidamad mujaahidiintu la wareegeen oo gacanta ku dhigeen magaalooyin iyo deegaano ka tirsan Mali oo ay ka mid tahay magaalada Leeri, halka ay albaabada u taagan yihiin kuwa kale.