Alle ha unaxariistee waxaa magaalada Galhareeri ee wilaayada Islaamiga ah ee Galguduud ku geeriyooday Naqiib Cabdikariin Muuse Casir oo kamid ahaa Nuqabada wilaayaatka Islaamiga.
Naqiibka ayaa xanuun saacado kooban hayay kadib geeriyooday, aaska janaazada naqiibka waxaa ka qeyb galay boqolaal kamid ah dadka ku dhaqan Galhareeri kuwaas oo isugu jiray ansaar iyo muhaajiriin.
Cabdikariim Muuse Casar wuxuu taariikh u lahaa jihaadka barakeysan ee soomaaliya ka socda isagoo kasoo jihaaday Muqdisho iyo gobollada dhexe.
Rabbi ha unaxariistee Naqiibka ayaa caan ku ahaayeen samafalka iyo taxriidka jihaadka, bulshada ku dhaqan Galhareeri ayaa ka tacziyaysay geerida Naqiibka.
Alle ha unaxariistee naqiibku wuxuu imaam ka ahaa masjid kuyaal Galhareeri,aaskii nabadoon Cabdikariin ayaa laga jeediyay kalimad towciya ah, iyadoona lasoo bandhigay qaar kamid ah acmaashii wanaagsaneed ee uu bulshada uqaban jiray.