Abu Cubeyda oo ah afhayeenka mid ka mida garabyada millatari ee kooxaha wax iska caabinta, ayaa kalimad uu jeediyay ku shaaciyay in la dilay, Max’ed Ad-deyf oo ku magac dheeraa Abuu Khaalid, kaasi oo ahaa taliyaha guud ee xoogagga mid ka mid ah garabyada hubeysan ee muqaawamada Falastiin iyo saraakiil kale.
Maxammed Ad-deyf ayaa ahaa mas’uulkii ku dhawaaqay howlgalka caanka ah ee ciidamada Yahuudda lagu dhiigbixiyay ee Duufaanta Al-aqsaa, waxay kooxaha wax iska caabintu sidoo kale sheegeen in intii uu socday cudwaanka Yahuudda ee ka dhanka ah dadka reer Gaza la dilay, Marwaan Ciisaa oo ahaa ku xigeenka Abuu Khaalid.
Sidoo kale waxay kooxaha wax iska caabintu shaaciyeen in howlgalkaasi intii uu socday ee iska caabinta ka dhanka ah ciidamada Yahuudda la dilay ilaa 5 xubnood oo kale oo saraakiil sar sare ah oo ka tirsanaa taliska ciidanka ee uu hogaanka u hayay Maxamed Ad-deyf.
Abuu Cubeyda ayaa sheegay in raggan hoggaanka u ahaa ciidanka wax iska caabinta ay gacanta Yahuudda ku baxeen iyaga oo ka barbar dagaallamaya ciidankooda, iskana caabinayay ciidamada Yahuudda ee gudaha usoo galay marinka Gaza.
Horay waxaa loo shaaciyay in iska caabinta ka dhanka ah ciidanka Yahuudda ee gudaha u galay Gaza lagu dilay Yaxye Sinwaar oo ka mid ahaa hoggaanka kooxaha wax iska caabinta ee Falastiiniyiinta, kaasi oo la dilay isaga oo iska hor’imaad toos ah kula jira ciidamada Yahuudda.
Dadka reer Gaza ee dulmi-diidka ah ayaa halgan adag oo guuleystay la galay gumeystaha, iyaga oo halgankaasi ku waayay ku dhawaad 50 kun oo shuhado ah oo u badan caruur, haween iyo waayeel.