Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka howlgala gudaha magaalada Muqdisho waxay dagaal culus ku qaadeen saldhigga maleeshiyaadka murtadiinta kaga suganyihyiin saldhigga galbeed ee degmada Dharkenley ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Ciidamada mujaahidiintu waxay dhowr jiho ka weerareen saldhigga maleeshiyaadka Riddada, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, dagaalkan tooska ah ee ay mujaahidiintu ka fuliyeen Muqdisho ayaana kusoo beegmaya xilli maalmihii u dambeeyay ay mujaahidiintu xoojiyeen weerarrada abaabulan ee ay ka fulinayaan saldhigyada Riddada ee kuyaal caasimadda.
Howlgalkii ugu dmabeeyay oo qaraxyo ahaa waxay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen fariisin murtadiinta ay kaga sugnaayeen agagaarka isgoyska Bakaaraha ee degmada Howlwadaag ee magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas lagu dilay 2 askari halka 5 kalena lagu dhaawacay.