Howlgal gaara oo ciidamo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen deegaanka Harazuki oo u dhaxeeya degmada Ceel-qaalow iyo magaalada Wargaduude ee gobalka Mandheera waxey nolasha kusoo wadeen 5 mas’uul oo ka tirsan maamulka Riddada ah ee Kenya ugu magacaaban gobolka Mandheera kuwaasi oo kala ah.
1-Cadow Cabdulle Maxamed oo ah guddoomiyihii hore ee magaalada War-gaduudo
2-Maxamed Nuur Xaaji oo isagana ah guddoomiyaha deegaanka Jajaboole.
3-Cabdi Xasan Surre oo ah guddoomiyaha deegaanka Qurac-madoobe.
4-Maxamed Xasan Kulmiye oo isagana ah guddoomiyaha magaalada War-gaduudo qeybta bari.
5-Ibraahiim Gaabow Cabdulle, gudoomiye ku xigeenka qeybta Bari ee magaalada War-gaduudo
Shanta mas’uul ee ay ciidamada mujaahidiintu nolasha kusoo qabteen ayaa la socday gaari nooca raaxada ah iyaga iyo gaarigooda waxay ku wada jiraan gacanta ciidamada mujaahidiinta.
Kolonya ciidamo saliibiyiin Kenyan ah ayaa gurmad ahaan uga soo baxday magaalada War-gaduude waxaana lala beegsaday howlgal qarax, waxaana laga gubay gaari Beebo ah, iyadoo ay halkaasi ku halaagsameen ciidanka Kenya ee la socday gaarigaasi.