Waxaa soo dhamaaday hawgalkii ay ciidamada Al-Shabaab ka wadeen hoteelka Xayaat ee Magaalada Muqdisho iyadoo ay sii korortay tirada khasaaraha ee ka dhashay weerarka.
Weerarka oo soo bilawday maqribkii Jimcaha ayaa soo gaaray barqanimadii Axada, taas oo ka dhigaysa hawgalkii ugu waqtiga dheeraa ay ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho.
Taliska ciidanka Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta u sheegay in hawgalku uu ku soo dhamaaday sidii loo qorsheeyay, ayna hadda ku mashquulsan yihiin tallaabooyinka kale ee xigi doona hawgalka.
Khasaaraha ka dhashay hawlgalka ayaa gaaraya ilaa 63 dhimasho ah, una badan ciidamadii kala duwanaa ee gurmad ahaanta loo keenay hoteelka, halka dhaawucuna uu gaarayo in ka badan 107 sida ay sheegatay Xarakada Shabaabu Mujaahidiin.
Burbur aad u xooggan ayaa ka muuqda dhismaha Hoteel Xayaat, kadib markii ciidamada DF ay sadexdii maalmood ee uu dagaalku socday hoteelka ku garaacayeen madaafiic waaweyn iyo qoryaha ka dhacada gaadiidka tiknikada ah. Waxaa kaloo jira miinooyin ay ciidamada DF ku xireen qaybo kamid ah hoteelka, kuwaas oo dhulka la simay inta badan dhismaha Xayaat.
“Qorshaha dagaal ee aan degnay dhawr weji ayuu lahaa. Weji kamid ah wuxuu ahaa inaan ciidamo gelino gudaha hoteelka, halkaas ay muddo dheer ka dagaalamaan, cadawgana khasaare xooggan gaarsiiyaan, kadibna tiro kamid ah ciidamadaas aan dib uga soo saarno hoteelka, halka qaar kale ay sii wadayaan dagaalka” Ayuu yiri sarkaalka ka tirsan Jihaazka Amniga Al Shabaab.
“Ciidanka aan ka soo saarnay gudaha hoteelka waxay hada gaareen goobo aamin ah oo aan u sii diyaarinay. Ciidamo kale ayaa weli ku jira gudaha Hoteel Xayaat. Wayna ku filan yihiin inay sii wadaan hawgalka inta uu Allaah na kala xukumayo anaga iyo cadawga murtadiinta ah ee aan halkaas kula dagaalamayno” ayuu hadalkiisa sii raaciyay sarkaalka ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin.