Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee saaka weerarada ku qaaday xeryaha maleeshiyaadka murtadiinta ee deegaanka Aboorey ee hoostaga degmada Buulo-burte ee bariga wilaayada Hiiraan, ayaa gudaha u galay saldhigyadii ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Riddada.
Maleeshiyaadkii murtadiinta ayaa ka firxaday goobihii dagaalka, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo gaaray maleeshiyaadka Riddada ah, sidoo kale waxaa jira hub iyo gaadiid dagaal oo ay ciidamada mujaahidiintu gacanta ku dhigeen.
Weeraradan cagmarinta ah waxay ciidamada mujaahidiintu Allaah fadligiis ku beegsadeen laba xiro oo murtadiintu ku lahaayeen deegaanka Aboorey, maleeshiyada saaka cagta lagu mariyay deegaanka ayaa isugu jira kuwa loogu kala yeero millatariga iyo kuwa sirdoonka ee Riddada.