Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiin waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar madaafiic ah ku garaaceen saldhigga ciidamada dowladda Ridada ay ka samaysteen degmada Owdheegle ee wilaayada shabeellada hoose.
Ilo wareedyo deegaanka ah waxay xaqiijiyeen in dhowr madfac ay gudaha u galeen saldhigga ciidamada isla markaana ay arkayeen uura madow oo cirka isku shareertay.
Xogaha la helayo waxay sheegayaan in 10 madfac lagu dhuftay saldhigga, ayna dhaawacyo ku noqdeen 10 askari oo murtadiin ah.
Dhanka kale waxay ciidanka shabaabul Mujaahidiin weerar toos ah ku qaadeen saldhigga ciidamada xabashida Itoobiya ay ka samaysteen degmada Waajid ee wilaayada Bay iyo Bakool.
Huganka rassaasta labada dhinac ayaa si aad ah looga maqlayay meelo fog fog oo miyiga ah waxaana jira khasaare soo gaaray axmaarada.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com