Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa dagaal kula wareegay gacan ku haynta deegaanka Laba-garas ee hoostaga degmada Cadalle ee wilaayada Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyada Riddada.
Dagaalka mujaahidiintu la galeen maleeshiyaadka murtadiinta ayaa Allaah fadligiis kusoo idlaaday jab xooggan oo la dhaxalsiiyay maleeshiyadii isku dayay inay is hortaagaan ciidamada mujaahidiinta, khasaare kala duwan ayaa lasoo wariyay oo la gaarsiiyay Riddada, waxayna tirada horudhaca ah xaqiijinaysaa dhaawaca ilaa afar askari oo murtadiin ah.
Ciidamada mujaahidiinta ayaa caawa ku sugan deegaanka Laba-garas, waxaana deegaanka laga qotomiyay raayada Rasuul Allaah SCW, deegaankan muhiimka ah ayaana ku biiray deegaanno dib ugu soo laabtay gacanta ciidamada Shabaabul Mujaahidiin oo ka tirsan Sh/dhexe.