Ciidamo aad u qalabaysan oo ka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta weerar qorsheysan waxay kula wareegeen gacan ku haynta deegaanka Cadaan-lexeey ee hoostaga degmada Ruunirgood ee Sh/dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad murtadiin ah.
Weerarka mujaahidiintu kula wareegeen deegaanka Cadaan-lexeey waxay ciidamada mujaahidiintu ku dileen ilaa 4 askari oo murtadiin ah halka sidoo kalena lagu dhaawacay 3 kale oo murtadiin ah, waxay sidoo kale mujaahidiintu gacanta ku dhigeen laba maxaabiis murtadiin ah.
Howlgalkan qorsheysan ee mujaahidiintu kula wareegeen deegaankan muhiimka ah ayaa qayb ka ah weerarada ay ciidamada mujaahidiintu ku beegsanayaan maleeshiyaadka kooxda Riddada Soomaaliya ee ku sugan deegaannada Sh/dhexe, khamiistii lasoo dhaafay ayay ahayd markii ciidamada mujaahidiintu cagta mariyeen oo la wareegeen 4 deegaan, taasi oo keentay in murtadiintu isaga cararaan deegaanno kale oo gobolkaasi ka tirsan.