Dalka Yemena Mujaahidiinta Ansaaru Shareeca oo taabacsan Mujaahidiinta Al-qaacidah ee dhulka Jaziirada Carabta ayaa soo saaray Bayaan ay kaga hadlayaan xaalada nolol xumo ee ka jirta xabsiyada ay Maamulaan Maleeshiyada Xuuthiyiinta ee kuyaala gudaha wadanka Yemen.
Bayaanka ayaa lagu faahfaahiyey in Maleeshiyadan ay kula dhaqmaan dadka Musliminta ah ee kujira xabsiyadooda, tacadiyo aad u xun xun, oo isugu jira jir dil, daryeel la,aan, cunto la,aan, biyo la,aan iyo kuwooda xanuunsan oo aan helin dawooyin caafimaad, xaaladahaasna ay sababeen dhimashada tiro dad ah iyo in cuduro ay ka dilaacaan gudaha xabsiyada.
Qoraalka Mujaahidiinta ayaa lagu sheegay in xaaladahaas nolol xumo ay sababeen dhimashada geerida mid kamid ah dhalinyarada Musliminta ah ee reer Yemen, oo ku geeriyooday mid kamid ah xabsiyada Xuuthiyiinta kadib marki Maleshiyadan ay ka hor istaagen wax kasta oo ay ku badbaadi lahayd Noloshiisa.
Ugu danbeyn bayaanka ayaa hanjabaad culus loogu diray Maleshiyada xuuthiyinta ee dhibaatada ku haya Maxaabiista Musliminta ah, waxaana lagu yiri dhamaan tacadiyadii aan kasoo sheekeynay ma ahan kuwa ay ka gudbayaan Mujaahidintu iyagoo aan la xisaabtamin dadkii ficilladaas foosha xun geystay.
Maalmaha soo socdana waxan qaadi doona howl galo balaaran oo aan ku beegsaneyno Mujriminta, si ay u ogaadaan in dadka ay dhibaateynayaan ay ka danbeeyaan rag dulmi diidayaal ah oo ka dhiidhinaya cirdiga walaalahooda musliminta ah.
Saxiix walaahi ayaan Ku dhartaye waay ugu aar gudiyan walalahod labahdilay waliba aad ayay u xanuun jiniyan mujriminta fariintas Cid walbo oo musliminta Ku digita ayaay quseysa xaqana waa lama taabtan cidi far Ku fiiqda farta lajara insha ALLAH