Mu’asasada Alkataa’ib garabka warbaahineed ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa baahisay muuqaal cusub oo uu jeedinayo dagaal yahan u dhashay wadanka Tanzania.
Dagaalyahanka oo lagu magacaabo Faaruuq ayaa fariin maqal iyo muuqaal ah jeedinaya, wuxuu dhalinyarada muslimiinta ugu baaqayaa inay soo haajiraan oo ay ka qeyb qaataan dagaalka lagula jiro gaalada iyo dabadhilifyadooda.
“Waxaan walaalahayga kula dardaarmayaa inay soo hirjoodaan iyagoo aanan wax cabsi ah qabin. kaalaya aan la dagaalano gaalada si loo dhaqan geliyo diinta Allaah” ayuu leeyahay Faaruuq isagoo la hadlaya dhalinyarada Muslimiinta.
Muuqaalkan ayaa qeyb ka ah taxane cinwaan looga dhigay “Wahimize Waumini” oo micnaheedu yahay “Boorri Mu’miniinta” taas oo ah mid gaar ah ugu socoto dhalinyarada Muslimiinta ee kunool bariga Africa gaar ahaan kuwa ku hadla luuqada sawaaxiliga.