Rag hubeysan waxey qeybo ka mid ah xaafada Siliga American-ka ee magaalada Muqdisho ku dileen mid ka mid ah ergadii soo xushalay xildhibaanada golaha dhawaaqiida dowlada Farmaajo.
Ergigan la dilay oo haweeney aheed ayaa lagu magacaabi jiray Haajiro Cabdi taasi oo ragga hubeysan ay ka toogteen qeybaha sare jirka isla goobta ayeeyna ku geeriyootay.
Haajiro ayaa ka mid aheed ergadii soo xushay xildhibaanada dowlada Ridada gaar ahaan qeybta lagu soo dhigay degmada Baydhabo ee gobalka Baay.
Dhowr jeer oo hore waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay ergo fara badan oo ka mid ah kuwii soo xulay xildhibaanada Murtadiinta.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Muqdisho Somalia.