Wararka ka imaanaya ismaamulka Laikipia ee dalka Kenya, ayaa sheegaya in qaybo ka mid ah ismaamulkaasi laga helay maydadka 2 xubnood oo haween ah, kuwaasi oo kiiskooda lala xiriirinayo mid dil ah.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in maydadka gelinkii dambe ee jumcadii lagu arkay keynta Ngarendare, halkaas oo uu ku arkay qof xoole dhaqato ah, una gudbiyay saraakiisha booliska.
Ciidamada booliiska ee ka howlgala bariga ismaamulka Laikipia ayaa sheegay inay baaritaanno ku hayaan maydadka la helay, saraakiil ka tirsan waaxda dambi baarista oo goobta gaaray ayaa sheegay inay heleen taleefoon nooca gacanta ah, boorso uu ku jira aqoonsiga mid ka mid ah haweenka, buugaag yar oo ah nooca wax lagu qorto, kaararka bangiyada iyo waxyaabo kale.
Kenya waxaa ku badan burcadda hubeysan ee dilalka iyo dhaca baahsan ka gaysata ismaamullada kala duwan ee dalkaasi, warbixin uu saddex bilood ka hor daabacay wargayska The Standard ayaa lagu xaqiijiyay in 300 oo qof la dilay tan iyo sannadkii hore, halka tiro intaas ka badana loo diiwaan geliyay dhaawacyo, kadib markii ay la kulmeen weerarada burcadda xoolaha dhacda ay ka gaysteen ilaa 13 ismaamul oo kenya ka tirsan.