Wararka ka imaanaya magaalada caasimadda u ah dalka Masar ee Al-qaahira, ayaa sheegaya in maydadkooda la helay ugu yaraan lix ruux oo Soomaali ah, isku qoysna ahaa, kuwaas oo degganaa hal guri.
Dadkan waxay ehelladoodu ugu war dambeysay habeenkii jumcada, kolkaas oo la waayay xiriirkooda sida uu sheegayo qof goob joog u ahaa dhacdada.
24 saacadood kaddib ayaa loogu tagay gurigii ay ka degganaayeen Qaahira, halkaas oo laga soo saaray maydadkooda, sababta keentay geeridooda ayaa lagu sheegay inay neef ahaan u qaateen gaaska cuntada lagu kariyo oo ay ka seexdeen isaga oo furan.
Xasan Xirsi Xuseen oo ka mida ehellada, goobna joog u ahaa dhacdada ayaa faahfaahin ka bixiyay sida ay wax u dhaceen, isagoo dhanka kale sheegay in dadka dhintay ay dhowaan uun soo degeen dalka Masar.