Maxmakadda wilaayada Islaamiga Hiiraan ayaa xukun xad qisaas ah ku fulisay Maxamed Calasow Cabdi oo ahaa gacan ku dhiigle gowrac ku dilay hooyadiis iyo walaalkiis.
Ibraahim Calasow Cabdi oo ah ninka dacwadda soo oogay ayaa maxkmadda islaamiga u sheegay in Maxamed Calasow Cabdi oo walaalkiis ah uu si bareer ah gowrac ugu dilay hooyadiis Xaliimo Cusmaan Cumar iyo walaalkii Macallim Maxamuud Calasow Cabdi, wuxuuna wilaayada isalamiga ah u wakiishay inay u qisaasaan.
Fagaare kuyaal deegaanka Show oo ay soo xaadireen dadwayne fara badan ayuu xadkaasi ka dhacay waxaana halkaas toogasho lagula fuliyay ninka gacan ku dhiiglaha ee bireeyay Hooyadiisa iyo walaalkiis.
Mid ka mid ah qudaada maxkamadda islaamiga ayaa fagaaraha ka akhriyay eedda eedaysanaha iyo qaabkii uu u dhacy falkii argagaxa lahaa ee lagu soo eedeeyay eedaysanaha.
Halkan Ka Dhagayso Codka Qaadiga Maxkmadda Islaamiga Ah.
Calamada.com