Dowladda Maraykanka ayaa xabsiga Guwatananmo waxay kasii deysay maxbuus muslim ah oo kasoo jeeda dalka Afqaanistaan, kaasoo 20kii sano ee lasoo dhaafay ku xirnaa xabsigaas sumcadda xun, ee lagu tacdiibyo maxaabiista muslimiinta.
Maraykanka ayaa jeelka Guwantanamo wuxuu kasii daayay mujaahidka lagu magacaabo Asadullaah Haaruun, kaasoo tan iyo sanadkii 2001-da ku xirnaa xabsiga sumcadda xun ee Guwatananmo Bay.
Tallaabada uu Maraykanku kusii daayay maxbuskan muslimka ah waxay timid wadahadallo dheer kadib oo dhexmaray Imaarada islaamiga ah iyo dowladda Maraykanka, waxaana Imaaradu sheegtay in qorshaheedu yahay inaaney daawan maxbuus kasoo jeeda Afqaanistaan oo ku xiran xabsiyada caalamka.
Afhayeenka Imaarada islaamiga ah Dabiixullaahil Mujaahid, ayaa qoraal uu soo dhigay barta Internetka, wuxuu ku xaqiijiyay si deysmada Asadullaah Haaruun, isagoo tilmaamay in Maraykanka 20 sano kadib uu maxbuuskan kusoo wareejiyey Imaarada islaamiga ah, si rasmi ahna ula tacaamuley.
” Asadullaah Haaruun, waxaa laga soo daayay xabsiga Guwatananmo, waxaana lagu soo wareejiyay Imaarada islaamiga ah, kadib dadaallo ay sameysay Imaarada islaamiga ah iyo wadahadallo miro dhalay oo ay la gashey dowladda Maraykanka” ayuu yiri Dabiixullaahil Mujaahid Afhayeenka Wasaaradda warfaafinta ee Imaarada islaamiga ah.
Dr Muxamad Nuceym oo isna ah afhayeenka Maktabka Siyaasadda ee Imaarada islaamiga ah wuxuu sheegay iney Imaaradu u aragto waajib dusha ka saaran iney dadaal ku bixiso sidii xabsiyada caalamka looga soo saari lahaa dadka muslimiinta ah ee reer Afqaanistaan, isagoona intaa ku daray iney hadda socdaan wadahadallo ay kula jiraan dowlado kale.
Asadullaah Haaruun ayaa soo gaarey wadanka Afqaanistaan, halkaas oo si diiran loogu soo dhaweeyey, wasxaana soo dhaweyntiisa ka qeyb qaadanayay masuuliyiinta ugu sarreysa ee Imaarada islaamiga ah, gaar ahaan golaha wasiirada.
Aabaha iyo hooyada dhalay mujaahidkan 20ka sano ku jeebbeysnaa Guwatananmo oo waayeelo ah ayaa dhankooda aad ugu farxay in 20 sano kadib ay dib ula midoobaan wiilkooda ay jeclaayeen, oo si dulmi ah loogu heystay xabsiga Guwtanamo Bay.
Duhurnimadii maanta ayuu Asadullaah Haaruun, wuxuu ka degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Kaabul ee caasimadda Afqaanistaan, halkaas oo markale loogu soo dhaweeyey si diirran, waxaana wadooyinka magaalada Kaabul lagu dhejiyay boorar waaweyn oo lagu xardhey kalimaad soo dhaweyn ah iyo sawirka mujaahidkan halyeyga ah oo 20 sano oo xiriir ah ku jeebeysnaa Guwantanamo, kuna sabryay dhibaatada jeelka iyo isku dayada lagu doonayay in looga saaro diinta Islaamka.
FG-ah sawirka kor idiin kaga muuqda waa Asad Al-afghani iyo Aabihiis.