Wararka ka imaanaya gobolka Bari, ayaa sheegaya in xeebaha gobolkaasi lagu afduubtay markab boob ka waday biyaha Soomaaliya, kaasi oo laga leeyahay waddanka Shiinaha.
Markabkan laga leeyahay Shiinaha balse ku gooshayay calanka jaziiradda Taiwan ayaa lasoo wariyay in rag hubeysan oo ilaalo ka hayay ay ku afduubteen biyaha degmada Xaafuun gobolka Bari ee ku teedsan xeebta badweynta Hindiya.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa soo sheegay in ilaalada Markabka afduubtay ay gurmad ka heleen dhanka degmada Eyl ee gobolka Nugaal, halkaas oo ay kaga soo biireen kooxo hubeysan, si ay u xoojiyaan.
Wararku waxay intaasi ku darayaan in markabka hadda lagu haysto xeebaha deegaanka Jiifle ee dhaca gobolka Nugaal, muddo 3 cisho ah ayay kooxahan gacanta ku hayaan markabka, kaasi oo ay soo qafaasheen arbacadii lasoo dhaafay.
Markabkan oo ah mid kalluumeysi sharci darro ah ka waday xeebaha kuyaal gobollada waqooyi bari Soomaaliya, ayaa lasoo wariyay in uu wakiil ka ahaa Senator ka tirsan kooxda Riddada Somalia, maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Puntland na uu ku garab siinayay xaalufinta uu ka waday biyaha Soomaaliyeed.