Dowladda Mareykanka ayaa ku dhawaaqday in ay dhammaystirtay howlgalkii ay ciidamadeeda ugala baxaysay Soomaaliya kaasi oo bilaawday laba bilood ka hor.
War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidanka Mareykanka qaaradda Afrika ee loo yaqaan Africom ayaa lagu sheegay in ay fuliyeen amarkii Trump ee dhigayay in ciidamada Mareykanka lagasoo saaro Soomaaliya.
Christopher Karns oo ah Afhayeenka ciidamada Mareykanka qaaradda Afrika ayaa wareysi uu dhanka Email-ka kusiiyay wakaaladda wararka AP ku sheegay in ay la baxeen intabadan ciidamadoodi ku sugnaa Soomaaliya.
Wuxuu carrabaabay in howlgalka dib ugurashada ay dhameystireen 2 maalmood ka hor waqtigii loo asteeyay ee ku ekaa 15-ka bishaan Janaayo.
Afhayeenka Africom ayaa diiday in uu cayimo halka ay geeyeen ciidamadii kala baxeen Soomaaliya isagoo kusoo gaabsaday in ciidamada lageeyay saldhigyo kuyaal Bariga Afrika.
Sababa laxiriirta cabsi amni ayuu Christopher Karns udiiday in uu shaaciyo halka lageeyay ciidamada isaga baxay Soomaaliya, isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in howlgallo waqtiyaysan ka fulin doonaan Soomaaliya.
Jeneraal Stephen Townsend oo ah taliyaha guud ee taliska ciidanka Mareykanka ayaa Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku eedeeyay in ay dadaal dheer ku bixisay sidii ay ubeegsan laheed ciidamada Mareykanka intii uu socday howlgalka ciidamada American-ka ah dalka looga saarayay.
“Majirin dhaawacyo halis ah iyo khasaaro weyn oo dhanka sahayda ah oo nasoo gaaray inkastoo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab uu dadaal badan ku bixiyay beegsigeena intii uu socday howlgalkii ciidamada American-ka ah Soomaaliya looga saarayay” ayuu yiri Stephen Townsend.
Donald Trump ayaa horay usoo saaray amar dhigayay in dhammaan ciidamada Mareykanka laga saaro Soomaaliya islamarkaana aad loo dhimo ciidamada American-ka ah ee ku sugan wadamada Ciraaq iyo Afghanistan.
Tirada ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu sheegi jiray 700 illaa 800 oo askari kuwaas oo gacansiin jiray ciidamada shisheeyaha Afrikaanta iyo maleeshiyaadka soomaalida dabadhilifyada ah.