Maleeshiyo badan oo ka tirsan maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Jubbaland ayaa maanta markale iska dhiibay magaalada Raas-kambooni ee ka tirsan gobolka Jubada hoose, halkaas oo ay gacanta ku hayaan maleeshiyada Xassan Gurguurte.
Ilo wareedyo ayaa sheegay in maleeshiyada is dhiibay ee ka tirsanaa maamulka Axmed Madoobe ay qayb ka ahaayeen maleeshiyo deggan deegaanka Kudhaa, kuwaas oo isku dhiibay maleeshiyada ku sugan Raaskambooni, sarkaal maleeshiyadaasi u hadlay ayaa sheegay in uu ka tirsanaa maamulka Riddada ah ee Jubbaland la baxay, iskuna dhiibeen maleeshiyada murtad Xassan Gurguurte.
Dhanka kale, maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee Jubbland ayaa eedaymo usoo jeediyay maleeshiyaadka kooxda Riddadu dhowaan ka dejisay magaaladaasi, kuwaas oo uu sheegay inay ku kacayaan falal kufsi ah oo ka dhan ah haweenka magaaladaasi iyo sidoo kale dhac baahsan.
Xiisadda labada dhinac u dhaxaysa ayaa marba marka ka dambeysa kasii daraysa, waxaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay kooxda Riddada ee uu madaxa u yahay murtad Gurguurte ay Muqdisho kasoo dejisay maleeshiyadii horay isugu soo dhiibay ee ka tirsanaa maamulka murtad Madoobe.