Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa saacadihii lasoo dhaafay gudaha deegaanka Ceelasha-biyaha ee duleedka magaalada caasimadda Muqdisho ku dilay nin ganacsade ah oo caanka ah deegaankaasi.
Ilo wareedyo deegaanka ah ayaa sheegay in dilka ganacsadahan oo lagu magacaabi jiray Cabdinaasir Xasan uu yimid markii maleeshiyaad ka tirsan waxay ugu yeeraan millatariga Riddada ay ganacsadaha waydiisteen lacago baad ah, markii uu ka biya diiday na ay rassaas huwiyeen.
Goobjoogeyaal ku sugnaa goobta ayaa sheegay in maleeshiyada murtadiinta ah ee dilka gaystay ay lacago baad waydiisteen ganacsadaha, weerarkana uu ka dhacay xaruntiisa ganacsi, waxay intaas kusii dareen in ganacsadahan uu maleeshiyaadka weerarka ku ahaa hantidii u sheegay in uusan awoodin lacagta baadda ah ee ay raadinayaan.
Maleeshiyada millatariga Riddada ayaa intaas kaddib dhowr xabbadood ku dhuftay ganacsadaha, ehellada ninka sida bareerka u dileen maleeshiyaadkan ka tirsan kooxda murtad Xassan Gurguurte, ayaa sheegay in maydka ganacsadaha uu tallaagad ku jiro aysana aasi doonin inta ay caddaalad ka helayaan.
Maleeshiyaadka murtadiinta ah ayaa caadeystay dilalka ka dhanka ah dadka shacabka ah ee ku dhaqan caasimadda, waxayna si joogta ah Muqdisho iyo duleedkeeda ugu beegsadaan dad rayid ah, kuwaas oo ay baad waydiistaan markii ay waayaanna ay ku jawaabaan rassaas nool, taasi oo keenta dhimasho iyo dhaawac intaba.