Warbixin ay daabacday hay’adda Human Rights Watch ayaa maleeshiyada Imaaraadku taageero ee RSF loogu jeediyay eedaymo xoogan, kuwaas oo ay ka mid yihiin dil, dhaawac, xarigga dadka rayidka ah, lkufsi wadareed ka dhan ah haweenka iyo gabdhaha, kuwaas oo dhacay inta ay socdaan weerarada bahalnimada ah ee ay ka wadaan gobolka Al-Jaziira ee dalka Suudaan.
Hayaddu waxay warbixinteeda ku sheegtay in tan iyo 20-ka bishii October ay maleeshiyada gurmadka deg degga ah weerareen 30 isugu jira tuulo iyo magaalooyin, kuwaas oo ay mid yihiin Rifaca, Tambul, Al-sarixa, iyo Azraq, halkaas oo ay ka geysteen xadgudubyo fool xun oo ka dhan ah dadka rayidka ah.
Dhanka kale urur gaaleedka qaramada Midoobay ayaa sheegay in in ka badan 130,000 oo qof rayid ah ay ku barakaceen weeraradan, kuwaas oo si ay naftooda uga badbaadiyaan dhiigmiiratadan u guuray deegaanno kale oo Suudaan ka tirsan.
Suudaan waxay hadda ku sugan tahay xaalad murugeysan, dhinacyada is haya ee maamulka dakaasi ku loollamaya ayaa si isku mida u beegsanaya dadka rayidka ah wallow weerarada ugu badan ee ka dhanka ah shacabka muslimiinta ah ay ka imaanayaan dhanka maleeshiyada Dacmu-sariic ee fallaagada ah.