Warar faahfaahsan ayaa kasoo baxaya weeraro qaraxyo ah oo jabhadda mucaaradka hubeysan Fano ka fuliyay degmooyin dhowr ah oo ka tirsan ismaamulka Amxaarada ee waqooyiga dalka Itoobiya.
Degmooyinka ay qaraxyadu ka dhaceen waxaa ka mida Dase, Waldiya iyo Bahar-dar, Dagamawi Menelik, Atse Tewodros, iyo Belay Zeleke, ilo wareedyo dhanka deegaanka ah ayaa xaqiijiyay in weeraradaasi loo adeegsaday bambaanooyinka gacanta lagu tuuro.
Qaraxyada ayaa daba socday markii maamulka dowladda xabashida ugu magacaaban Amhara uu shacabka deegaanka ku amray iney dhigaan dibadbaxyo ka dhan ah Fano, oo jabhaddaasi loogu baaqayo inay wadahadal la furto maamulka.
Jabhadda Fano ayaa goor sii horreysay shacabka uga digtay inay ka qeyb galaan dibadbaxyada uu iclaamiyay maamulka Abiy ee ismaamulkaasi, balse dadweynaha ayaa dhagaha ka furaystay fariinta ka timid Fano, taas oo sababtay iney qaraxyo la beegsadaan dadka dibadbaxayaasha ah.
khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo mid dhaawac ayaa lasoo wariyay iney ka dhasheen qaraxyadaasi, sida lagu sheegay warbixin uu daabacay wargayska Addisstandard ee ka mid ah kuwa ugu caansan ee kasoo baxa Itoobiya.