Wararka ka imaanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxey sheegayaan in tiro madaafiic ah lagu garaacay saldhiga maleeshiyaatka maamulka gaala raaca Puntland ay ka sameysteen duleedka magaaladaasi.
Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay in guutada madaafiicda ee Shabaabul Mujaahidiin tiro madaafiic ah ku garaaceen saldhiga maleeshiyaatka Puntland ee deegaanka Af-urur oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Boosaaso.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in madaafiicda gudaha u galeen saldhiga taasi oo sababtay khasaara nafeet iyo mid hantiyadeed oo soo gaartay maleeshiyaatka maamulka Murtad Cabdi Wali Gaas.
Xeradan madaafiicda lagu garaacay waxaa dhowr Bilood ka hor ka dhacay weerar si ba,an loogu xasuuqay maleeshiyaatka Puntland weerarkaasi oo ay fuliyeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.
Calamada.com