Ciidamada guutada Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa weerar madaafiic ah ku qaaday saldhig ciidan oo ay maleeshiyaadka murtadiintu ku leeyihiin duleedka magaalada Buula-burte, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan oo soo gaaray Riddada.
Howlgalkan madaafiicda ah ayaa kusoo beegamaya xilli saacadihihii lasoo dhaafay ciidamada mujaahidiintu qarax ay ka fuliyeen gudaha degmada Beledweyne ay ku beegsadeen isbaaro maleeshiyaadka murtadiinta u tiillay xaafadda Buunda-weyn ee magalaadaasi, halkaas oo khasaare lagu gaarsiiyay Riddada.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay ilaa 4 qarax la beegsadeen kolonyo ciidamo ah Kuffaaarta Yugaandha ah, kuwaas oo sahay waday kana baxay deegaanka Nambar/60 kuna sii jeeday deegaanka Buufow.
Howlgalkan qaraxa ah waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay hal askari oo ka tirsan kuffaarta Afrikaanta, halka ay sidoo kalena ku dhaawacmeen 5 askari oo kale oo isla Kuffaarta Afrikaanta ah, waxaa xusid mudan in diyaarad Helicopter ah ay kusoo degatay goobta uu qaraxu ka dhacay, waxayna halkaas ka daabushay maydadka iyo dhaawacyada soo gaaray kuffaarta.
Dhanka Bakool, waxay ciidamada mujaahidiintu saacadihii lasoo dhaafay dagaal culus oo toos ah ku qaadeen saldhig ciidan oo maleeshiyaadka murtadiinta ay kaga suganyihiin degmada Ceel-barde, waxaana halkaas ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.