Ciidamada guutada madaafiicda Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee ka jihaada wilaayada Banaadir ayaa maanta oo Khmiis ah waxay weerar madaafiic ah ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho xilli uu halkaasi kasoo daganayey Abiy Axmed oo ah Ra’iisul wasaaraha dowladda Xabashida Itoobiya.
Sidoo kale, howlgal qarax ah oo ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho ayaa lala eegtay fariisin maleeshiyaadka Riddada ku sugnaayeen, waxaana halkaas ku dhintay hal askari, 5 kalana waa ay ku dhaawacmeen.
Dhanka kale, waxay ciidamada mujaahidiintu qarax la beegsadeen gaari ay la socdeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Riddada ee degmada Afgooye, qaraxa ayaana ka dhacay gudaha degmadaasi waxaana ku dhintay ilaa laba askari oo murtadiin ah.
Dhanka Gedo, waxay ciidamada mujaahidiinta maanta laba qarax la beegsadeen guri uu magaalada Baladxaawo ka daggan yahay guddoomiye ku xigeenka cusub ee maamulka Riddada ee Baladxaawo Maxammad Isxaaq, waxaana ku dhaawacmay hal askari oo ilaalo u ah.