Ciidamada xarakada shabaabul Mujaahidiinta gaar ahaan guutada madaafiicda waxay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda Ridada ka samaysteen duleedka degmada Bacaadweyne ee wilaayada Mudug.
Ilo wareedyo ku sugan degmada Bacaadweyne waxay sheegeen inay ay mar qura maqleen jugta madaafiic culus oo ku hoobanaya saldhigga maleeshiyaadka Ridada ee degmada Bacaadweyne, ka dib na hawada sare ee saldhigga uu isku shareeray qiic iyo uura madow.
Ilo xog ogaal ah waxay xaqiijiyeen in 10 madfac lagu dhuftay gudaha saldhigga ayna dhaawacyo garraab ah ku noqdeen askar ka tirsan maleeshiyaadka dowladda.
Inta la ogyahay 8 xubnood oo murtadiin ah ayaa ku dhaawacmay duqaymaha oo galabta lagu garaacay saldhigga, kuwaas oo sida la wariyay dhaawacyadooda oo garaab ah laga saaray xerada.
Duqeyntan uu la kulmay saldhigga ciidamada dowlada Ridada ee duleedka degmada Bacaadweyne waxa uu kusoo beegmayaa xilli weerar madaafiic ah sidan oo kale loogu garaacay isla saldhiggan oo kuyaal duleedka Bacaadweyne, waxaana duqaymahaas si diriq ah kaga badbaaday taliyaha guud ee ciidamada dhulka dowladda federaalka Generaal Biixi iyo wasiirka amniga maamulka la magac baxay Galmudug murtad Fiqi.
Halkan Kala Soco Wararka Deg Dega Ah Ee Website-ka Calamada.
Calamada.com