Maamulka Trump ayaa ka fiirsanaya inuu qaado tallaabo fulineed oo lagu burburinayo Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), iyadoo lagu wareejinayo Taliska Maraykanka ee ka hawl-gala qaaradda Yurub ee loo yaqaan EUCOM, sida laga soo xigtay ilo badan oo la socda qorshayaashan.
CNBC oo ah warbaahin caalamiya oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa sheegtay in maamulka cusub ee dhawaan dib loo soo dirtay ee Donald Trump uu wado qorsheyaal uu doonayo inuu albaabada isugu dhufto taliska AFRICOM.
Warbaahintan oo soo xiganaysa ilo xogogaal ah oo la socda qorshahan ayaa sheegtay in hindisahani uu yahay mid la tix-gelinayo, isla markaana saraakiisha difaaca ee Maraykanku ay taageersan yihiin isbedelkan cusub ee uu wado Donald Trump.
Sidoo kale labo sarkaal oo Mareykan ah oo la sheegay inay xog-ogaal u yihiin doodda socota ayaa shaaca ka qaaday in qorshahani yahay mid meel-mar ah, waxaanay ka dhawaajiyeen in qaar ka mid ah saraakiisha difaaca Mareykanku ay durbaba taageereen tallaabadan.
Qorshahan cusub ee ka dhanka ah taliska Maraykanka ee AFRICOM, ayay CNBC sheegtay inuu daba socdo dibu-habayn ballaaran oo Donald Trump uu ku sameeyey Wasaaradda Difaaca Maraykanka ee Pentagon-ka oo dhawaan uu ka cayriyey saraakiil sare oo shaqaalle ka ahaa, halka Kumanaan kalena u qorshaysan yihiin inuu kala diro.
Warbaahinta CNBC, waxa kale oo ay sheegtay in talooyinkii u dambeeyey ee lasoo jeediyey ay ku jirtay in AFRICOM laga dhigo talis-hoosaad ka tirsan Taliska Maraykanka ee Yurub, taas oo gacan ka geysan doonta ayaa la yiri fududaynta qaab-dhismeedka taliskaasi.
Geesta kalena , Xoghayaha Difaaca Mareykanka ninka lagu magacaabo Pete Hegseth, ayaa dhawaan booqday xarunta laga maamulo AFRICOM oo ku taalla Jarmalka, waxaanu halkaas ka sheegay in qaab-dhismeedka taliska AFRICOM wax badan laga bedeli doono, sidoo kalena la dhimi doono tirada ciidamada Maraykanka ee jooga qaaradda Yurub.
Warbixinta CNBC aya lagu sheegay in tallaabadani ay maamulka Trump u fududayn karto in ciidamadiisa uu ka saaro deggaanno ka tirsan dalalka Afrika, sida Soomaaliya oo kale oo warbixintu xustay in usbuucyadan u dambeeyey ay ka socdeen weerarro is-daba joog ah oo ay fulinayaan mujaahidiinta Xarakada Al-Shabaab.