Maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Jubbaland, ayaa maanta ku dhawaaqay inay dib ula wareegeen xarunta maamulka Riddada ee degmada Baardheere ee gobolka Gedo, halkaas oo maalmihii u dambeeyay uu ku shaqeynayay maamul daacad u ah kooxda murtad Xassan Gurguurte.
Guddoomiyaha maamulka Riddada Jubbaland ugu magacaaban Baardheere, murtad Aaden Muxumed Dhegacade ayaa sheegay inay si buuxda gacanta ugu dhigeen xarunta maamulka, meeshana ka saareen maamulkii xiriirka la lahaa kooxda Riddada ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale murtadkan ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta ay maanta la wareegeen ku sheegay in tan iyo markii kooxda kooxda Ridada meesha ka saartay maamulkiisa ay magaalada ka gaysteen dhibaatooyin kala duwan oo ay ugu wayn tahay xayiraadda dhanka hawada ah ee degmada saarnaa.
24-kii saac ee lasoo dhaafay ayuu sheegay in magaalada ay ku geeriyoodeen laba qof, kuwaas oo ay saameysay xayiraadda dhanka hawada ah ee kooxda Riddadu kusoo rogtay degmada Baardheere.
Khilaafka iyo ismariwaaga u dhaxeeya labadaan dhinac ee ay saliibiyiintu ka dhisteen Soomaaliya ayaa saamayn wayn ku yeeshay duulimaadyadii dhanka hawada ee dadka rayidka ah, taasi oo keentay in dad bukaano ah ay xaalado caafimaad darro ugu geeriyoodaan degmooyinka Kismaayo Doolow iyo Baardheere.