Maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Jubbaland oo halkiisa kasii wada falalka uu kula dagaallamyo islaamka iyo ehelkiisa, ayaa saacadihii lasoo dhaafay qaaday olole uu ku gubayo niqaabka ay xirtaan haweenka muslimaadka ah.
Maleeshiyaadka Riddada maamulkaasi ayaa magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi kasoo uruuriyay indhashareerka (Niqaabka) ay xirtaan haweenka muslimaadka ah, iyagoo isugu geeyay hal goob kadibna halkaas ku gubay.
Saraakiisha maamulka murtad Axmad Madoobe waxay sheegeen in aysan aqbali doonin in gudaha magaalada Kismaayo laga xirto niqaabka.
Waxay tani qeyb ka tahay miraha laga dhaxlay dullaankii saliibiga ee ciidamada saliibiyiinta Kenya kusoo qaadeen deegaannada uu ka arrimiyo maamulka isugu yeeray Jubbaland, kaasi oo maanta gaalada kula tartamaya mamnuucidda shacaa’irta islaamka.