Xilli todobaadkii lasoo dhaafay madaxwaynaha dowladda saliibiyada ee Maraykanka Donald Trump uu soo jeediyay qorshe shacabka reer Gaza looga barakicinayo dhulkooda, ayaay wararku sheegayaan in xukuumadda Washiton ay go’aansatay in musliminta ay xooga ku barakicinayso ay dajiso dalka Al-maghrib iyo waqooyiga Soomaaliya, si gaar ah deegaannada ay ka arimiyaan maamullada ashahaada la dirirka ah ee Puntland iyo Somaliland.
Maamulka uu hoggaamiyo Siciid Cabdullaahi Dani ayaa sheegay in uu aqbalay qorshahaasi islamarkaana uu wax ka fulin doono hindisaha lagu barakicinayo shacabka reer Falastiin uuna oggolaaday in la dajiyo deegaannada uu maamulkiisu ka armiyo.
Murtad Yacquub Maxamed Cabdullaahi oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta ee maamulka Riddada ah ee Puntland ayaa u sheegay wargeyska The Telegraph ee kasoo baxa Ingiriiska inay ku faraxsanyihiin arintaasi waxa uuna yiri “Tani dhib maaha, waanu soo dhawaynaynaa wakhtigaan hadda la joogo, waxaana tixgelineeynaa oo aan raaceyna sharciga caalamiga”.
Warkan kasoo baxay maamulka Riddada ah ee Puntalnad ayaa imaanaya xilli dhamaan dowladaha dawaaqiida ah ee carbeed ay iska diideen in shacabka reer Gaza laga barakiciyo dhulkood, lana dajiyo waddamada Masar iyo Urdun.