Wasiirka waxay ugu yeeraan wazaaradda xanaanada Xoolaha ee maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Somaliland, ayaa waraysi uu bixiyay ku sheegay inay si rasmi ah u xireen maxjar lagu hubiyo badqabka xoolaha oo magaalada Berbera uga furnaa ganacsade Carbeed.
Cumar Shucayb, wasiirka Xanaanada Xoolaha ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland, ayaa sheegay in ganacsade Abuu Yaasir oo ah nin carbeed uu caqabad ku noqday dhoofinta Xoolaha ee deegaannada uu ka arrimiyo maamulkiisa, sidaas darteed na ay go’aan ku gaareen inay xiraan maxjarka caafimaadka xoolaha lagu hubiyo oo uu kulahaa Berbera.
Wasiirka u hadlay maamulka uu madaxa u yahay murtad Cabdiraxmaan Cirro, ayaa intaas ku daray in go’aankan uu yimid kaddib markii uu Abuu Yaasir ka dhaga adeegay go’aanka maamulkaasi oo ahaa in uu ka laabto heshiis uu la galay murtad Gurguurte, oo loogu xiray dhoofinta xoolaha dadka Soomaaliyeed.
Murtad Cumar Shucayb ayaa sidoo kale sheegay inay ruqsaddii shaqo kala noqdeen ganacsadahan oo muddooyinkii dambe ay ka cabanayeen dadka Soomaaliyeed, kaasi oo madaxa kooxda Riddada Soomaaliya, murtad Xasan Gurguurte uu u xiray dhoofka xoolaha Soomaalida.