Wasiirka Amniga maamulka ridada ee Jubaland murtad Yusuf Dhuumaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inuu faraha ka baxay Amniga deegaanada maamulkooda uu kaga sugan Gedo.
Wuxuu sheegay murtadkaan in haddii ay yihiin mas’uuliyiinta maamulkooda aysan awoodin inay safar dhulka ah ku tagaan deegaanada ay ka joogaan Gedo, iyagoo ka cabsi qaba inay la kulmaan weeraro uga yimaada Mujaahidiinta.
Dhuumaal ayaa si gaar ah usoo qaatay howlgal qarax ah dhawaan Mujaahidiinta ka fuliyeen degmada Baladxaawo oo lagu dilay labadii guddoomiye ku xigeen ee maamulka ridada ee degmadaasi iyo askar murtadiinta, taasoo laga dheehan karay hadalka murtadkaan inuu walaac xoogan ku abuuray howlgalada joogtada ee Mujaahidiinta ka fuliyeen Gedo gaar ahaan degmooyin ay kamid ah Baladxaawo.
Hadalka mas’uulkaan ka tirsan maamulka ridada ee Jubaland ayaa imaanaya xili ay sii xoogeysteen weerarada isugu jira dagaalada tooska ah iyo qaraxyada ay maalmahaan Mujaahidiinta ka fulinayaan deegaanada cadowga ay kaga sugan yihiin Gedo.
Toddobaad ka hor ayey ahayd markii qarax Mujaahidiinta ay ka fuliyeen gudaha degmada Baladxaawo lagu dilay 5 murtadiin ah oo ay ku jiyeen guddoomiye ku xigeenadii 1aad, iyo 2aad ee maamulka ridada ee Baladxaawo taasoo qalqal ku abuurtay murtadiinta ku sugan deegaanadaasi.