Xilli murtad Axmed Madoobe oo ah madaxa maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland uu isku diyaarinayo doorasho uu markale isku doorto, ayaa waxa uu maamulkaasi hanjabaad u diray siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxtinimo ee maamulkaasi.
Warqad kasoo baxday wasaaradda amniga maamulka Riddada ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa musharixiinta u taagan xilka madaxtinimo lagu amray inaysan magaalooyinka maamulkaasi la iman Karin maleeshiyaad gaar ah oo hubeysan, wixii ciidan ahna kaga dambeeyaan booliska Riddada Jubbaland.
Maamulka Axmed Madoobe ayaa muujiyay cabsida uu ka qabo abaabul xoog leh oo ay wadaan xubnaha kula loollamaya kursiga madaxtinimo, si gaar ah hub uruursiga ka socda magaalo madaxa maamulkaasi ee Kismaayo.
Wazaarada waxay ugu yeeraan amniga maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayaa ugu goodisay mucaaradka haddii ay u hogaansami waayaan amarka kasoo baxay Axmed Madoobe ay qaadi doonaan talloobooyin adag.
Arimahan waxay kusoo beegmayaan xilli saacadihii lasoo dhaafay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulkaasi uu kasoo degay Cabdi Cali Raage oo ka mid ah xubnaha musharixiinta, kaasi oo sheegay in Axmed Madoobe doonayo doorasho uu isugu isku doorto, taasina ay si wayn kaga soo horjeedaan.