Madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee Koonfur-galbeed murtad Cabdicasiis Laftagareen ayaa isagoo hadal jeedinayay qiray in khasaare kala duwan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac maleeshiyadiisa lagu gaarsiiyay weerar mujaahidiintu ka fuliyeen wilaayada Bakool.
Murtad Laftagareen ayaa qiray in weerarka oo ka dhacay duleedka degmada Xudur ay ku waayeen saraakiil, saraakiil xigeeno iyo askar murtadiin ah, aad na ay u damqinayso inay saraakiishaasi waayaan, sida uu hadalka u dhigay.
Isagoo sii hadlayay ayuu weerarkan barakaysan ku sideeyay mid xanuun ku ah maamulkiisa, weeraradan oo kale ee saraakiisha iyo askarta looga laayo ayuu sheegay inay kusoo noqnoqdeen deegaannada maamulkiisa.
Hadalka murtad Laftagareen ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Bakool ay saaka oo khamiis ah weerar kamiin ah u dhigeen kolonyo maleeshiyo murtadiin ah oo dhaqdhaqaaq ciidan ka waday duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.
Weerarkaasi qorsheysan waxaa Allaah fadligiis lagu dilay todobo xubnood oo murtadiin oo laba ka mid ah ay yihiin saraakiil ciidan, halka lagu dhaawacay 14 kale oo sarkaal uu ku jiro, waxay sidoo kale ciidanka mujaahidiintu goobta ku gubeen gaari Cabdibile ah oo qori Dhashiike ah uu ku rakibnaa, goobta weerarku ku qabsaday ayayna uga carareen gaariga gubtay.