Waxaa maanta muddo hakad ku jiray dhaqdhaqaaqa garoonka caalamiga ah ee magaalada Muqdisho, kaddib markii kooxda Riddada Soomaaliya ay dadka shacabka ah kusoo rogtay lacago baad ah oo dadku si wayn uga dhiidhiyeen.
Lacagahan oo ah nooc cusub oo baad ah ayay kooxda Riddadu kusoo rogtay dadka ka baxaya garoonka magaalada Muqdisho iyo sidoo kale kuwa kasoo degaya, waxayna ku tilmaantay in qofkiiba laga doonayo in uu bixiyo lacag dhan 45 dollar oo ay ku sheegeen in lagu siinayo buug caafimaad.
Warqadda baadda cusub lagu shaaciyay oo kasoo baxday wazaaradda waxay ugu yeeraan caafimaadka Riddada ayaa ahayd inay maanta ka dhaqan gasho garoonka caasimadda Muqdisho, balse dadka ayaa taa si wayn uga horyimid, waxayna keentay buuq iyo in hakad galo dhaqdhaqaaqii garoonka.
Kooxda Ridada Somalia ayaa goor dambe oo maanta ah ku qasbanaatay inay markale soo hadasho iyada oo markan warqaddeeda soo marisay waxay ugu yeerto wazaaradda maaliyadda, taasoo gabi ahaanda diidday qoraalka kasoo baxay wazaaradda caafimaadka, joojisayna in uu dhaqan gal noqdo go’aankii hore ee dowladda Riddada ee uu madaxa u yahay murtad Xassan Gurguurte.
Madaxda iyo wasiiradda kooxda Riddada ayaa caan ku ah inay kala hadlaan kolka ay joogto baadda dadka shacabka ah, wasiir walba ayaa u horumara in uu jeebka ku shubto lacagaha baadda ah ee dadka rayidka ah sida xoogga ah looga qaado.