Khasaare baaxad leh oo isugu jira dhimasho iyo burbur ayaa ka dhashay shil diyaaradeed oo sacadihii lasoo dhaafay ka dhacay mid ka mid ah xaafadaha magaalada Umu-durmaan ee dalka Suudaan.
Shilkan ayaa yimid kaddib markii ay dhacday diyaarad nooca kuwa ciidanka ah oo kusii jeeday magaalada Port_Suudaan ee xaruunta u ah taliska millatariga ee maamula dalkaasi, waxayna tirakoobyadii ugu dambeeyay ee dhimashada la diiwaan geliyay noqotay 46 xubnood oo isugu jira saraakiil askar iyo sidoo kale dad shacab ah.
Diyaaradda oo ah nooca Antonov ayaa ka duushay saldhigga millatari ee lagu magacaabo Waadi Sayidna, waxayna ku jeeday Port-Sudan, ilo wareedyo xog ogaal ah ayaa sheegay in cillad farsamo oo ku timi diyaaradda ay sababtay in ay ku dhacdo xaafad dadku ku badanyihiin oo kutaal Umu-durmaan.
46 xubnood ee shilka diyaarad ku dhintay waxaa ku jiray saraakiil sar sare oo ka tirsanaa ciidamada Sudan, ilo wareedyo ayaa waxay xaqiijiyeen in uu ka mid ahaa General Baxri Axmed Baxri, kaasi oo ahaa taliyaha ciidamada millatariga gaar ahaan liwaaga mandiqadda Baxri iyo saraakiil kale.
Shilkan diyaaradeed ee ka dhacay Umu-durman waxaa sidoo kale la wariyay inay ku nafwaayeen 9 qof oo rayid ah, kuwaas oo diyaaraddu ku dul-dhacday guryahooda, waxaa sidoo kale jira dhaawacyada ugu yaraan 10 xubnood oo kale sida lasoo warinayo.