Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax aad uxooggan oo ka dhacay deegaan katirsan gobolka Sh/hoose.
Wararka ka imaanaya duleedka degmada Awdheegle ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay maanta halkaas lagula beegsaday maleeshiyaad katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya ee shisheeyaha la shaqeeya.
Qaraxa oo ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa haleelay gaari Cabdi bile ah oo qeyb ka ahaa kolonyo ciidamo ah oo ku socdaalayay wadada xiriirisa degmada Awdheegle iyo deegaanka Lambar60.
Ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in ugu yaraan 8 askari ay ku dhinteen qaraxa halka 6 kale ay dhaawacyo soo gaareen, Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan askarta badan lagu dilay.
Gobolka Sh/hoose waxaa ka socda loollan melleteri oo aad u xooggan, dagaalyahannada Al Shabaab ayaa guluf dagaaleed kula jira ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaadka dowladda ee la shaqeeya.