Xog dheeraad ah waxaa laga helayaa qarax culus oo ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ay la beegsadeen askarta federaalka.
Qaraxa waxa uu sigaar ah kaga dhacay goob ay ku qayyilayeen maleeshiyaatka Murtadiinta oo ku taala xaafada Badbaado ee degmada Dharkenley ee magaaladan Muqdisho.
Inta la hubo qaraxan waxaa ku dhintay 7 askari Murtadiin ah oo labo ka mid ah hilbahooda gogo’een, Waxaa sidoo kale qaraxan ku dhaawacmay 7 askari oo ah isla kuwa federaalka.
Dhanka kale ciidamada Shabaabul Mujaahidiin waxey habeenkii xalay dagaallo culus oo saf ah ku qaadeen fariisimaha askarta Ridada ee halka loo yaqaano Cali Ganeey oo ka tirsan xaafada suuqa xoolaha ee degmada Hilwaa iyo xaafada Sambaag oo ka tirsan degmada Dayniile.
Rasaasta la isku adeegsaday dagaaladan waxaa si aad ah looga maqlayay degmooyin ka tirsan gobalka Banaadir, Wali si rasmi ah looma ogaan inta uu la egyahay khasaaraha Murtadiinta lagu gaarsiiyay dagaaladaas.
Muuse Malaay.
Calamada Online.
Mogadishu, Somalia.