Dagaallo culus oo u dhaxeeyay ciidamada mujaahidiinta iyo maleeshiyaadka Riddada ayaa maanta waxay ka dhaceen deegaanka Beerayabaal ee dhaca duleedka magaalada Buul-burte ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan, halkaas oo jab iyo khasaare laxaad leh dhabarka loogu saaray murtadiinta.
Xog horudhac ah oo laga helayo goobaha dagaalladu ka dhaceen waxay xaqiijinayaan in dagaallada maanta oo Jimco ah ka dhacay deegaanka Beera-yabaal lagu dilay ugu yaran siddeed askari oo murtadiin ah, waxaana suuragal ah in khasaaraha uu intaa ka badan yahay.
Dhanka Gedo, ciidamada mujaahidiintu waxay howlgal qorsheysan oo qarax ah la beegsadeen kaantaroolka Riddada ee degmada Beledxaawo, waxaana Control-ka la beegsaday uu kuyaallaa waddada looga baxda Beledxaawo ee aadda dhanka degmada Doolow, waxaana jira khasaare murtadiinta lagu gaarsiiyay qaraxaas.