Weerarada barakaysan ee saaka ka dhacay wilaayada Sh/dhexe, waxay Allaah fadligiis dhabarka jabiyeen maleeshiyo iyo saraakiil murtadiin ah, kuwaas oo qayb ka ahaa colkii ashahaada la dirirnimo ee ku duulay wilaayada islaamiga Sh/dhexe.
Saraakiil iyo askar badan oo murtadiin ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday dagaalladii cagmarinta ahaa ee ka dhacay deegaannada Ceel Cali Axmed, Daaru-nicma iyo Cali Fooldheere, waxaana saraakiisha ku dhaawacmay ka mid ah Xasan Dhicisow oo ah taliyaha Booliska Hirshabeelle, kaasi oo si gaar ah loogu dhaawacay dagaalkii saaka ka dhacay deegaanka Cali-Fooldheere.
Sidoo kale waxay ciidamada Shabaabul Mujaahidiin Allaah fadligiis gacanta ku dhigeen deegaanka Al-kowthar kadib markii ay halkaas cagta ku mariyeen maleeshiyaadka murtadiinta, sidoo kale duleedka deegaankaan waxaa si ba’an loogu xasuuqay maleeshiyaadkii Riddada ee kusoo jabay Daaru-nicma ee firxadka usoo ahaa deegaankaasi.
Dhammaan deegaannadii afarta ee saaka lagu dagaallamay waxaa gacanta ku haya ciidanka Shabaabul Mujaahidiin, waxaana Allaah fadligiis jabay oo firxad magaalooyinkaas kaga baxay maleeshiyadkii murtadiinta ee duullaanka ku joogay.
La soco wixii soo kordha insha’Allaah.