Maamul goboleedka ashahaada la dirirka ee la magac baxay Jubbaland, ayaa war uu soo saaray ku sheegay in kooxda Riddada Somalia ay waddo abaabul dagaal, kaasi oo ka socdo qaybo ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.
Maamulka Riddada ee Jubbaland ayaa warkan kasoo saaray shir maanta ka dhacay Kismaayo oo uu guddoominayay murtad Axmed Madoobe, waxayna ku cambaareeyeen dagaalkii shalay ka dhacay Baardheere ee u dhaxeeyay maleeshiyadooda iyo kuwa kooxda Riddada.
Masuuliyadda wixii ka dhacay Baardheere ayay markale dusha uga tuureen kooxda murtad Xassan Gurguurte, waxayna sidoo kale ku eedeeyeen in uu abaabul ciidan ka wado magaalooyinka Garbahaarey iyo Beled-xaawo oo ka tirsan gobolka Gedo.
Maamulkan ayaa sidoo kale qiray in dhibaatooyin xooggan ay ka dhasheen is qabsiga kala dhaxeeya kooxda Ridada ah ee uu fadhigeedu yahay Muqdisho, kaasi oo uu sheegay in uu saameyn ku yeeshay dadka shacabka ah, kaddib markii kooxda Xassan Gurguurte ay xayiraad dhanka hawada ah saartay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Gedo.
Maamullada Riddada ee Kismaayo iyo Muqdisho ayaa si wayn ugu loollamaya maamulka gobolka Gedo, waxayna xiisadda gobolkaas sii xoogeysatay markii uu maamulka Ax’ed madoobe dagaalkii ka dhacay magaalada Raaskambooni kaga adkaaday maleeshiyaadka kooxda Riddada, dhanka kale kooxda Ridada waxa uu khilaaf kala dhaxeeya murtad Cabdullaahi Shimbir, oo dhankeeda raacsanaa, kaasi oo maalmo ka hor xogo soo baxayay ay sheegeen in kooxda Gurguurte ay qorsheysay inay ku wareerto Garhabarey, balse saraakiil kale ay ka biya diideen.