Hay’adda Mareykanka ee USAID ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso taageero dhaqaallo oo ay siin jireen dowladdo ay jirto Soomaaliya oo ku yaalla caalamka kuwaasi oo sanad waliba ay ku qarash gareyn jireen malaayiin dollar.
Tallaabadaan ayaa timid xili dowladda Mareykanka ay dhawaan heshiisyo ku kacayey malaayiin dollar ay la gashay kooxda ridada Soomaaliya, kaasoo fulintiisa lagu waday inuu dhaco sanadkaan 2025-ka.
Bishii Oktoobar ee sanadkii 2024-ka, Mareykanka iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis 68 milyan ah oo loogu talagalay horumarinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo arrimo kale.
Sidoo kale, bishii Disembar ee sanadkii 2024-ka, hay’adda USAID waxay heshiis ku baxayey 29 Milyan oo dollar la gashay kooxda ridada Soomaaliya, kaasoo qeyb ka noqonaya lacagaha uu Mareykanka joojiyey sanadkaan.
Isku geynta wadarta guud ee lacagaha uu Mareykanka ka jartay kooxda ridada ee sanadkaan uu siin lahaa ayaa lagu sheegay inay gaarayso 125 Milyan oo dollar, taasoo saameyn ballaaran ku yeelan doonto kooxda ridada Soomaliya oo durbaba ay soo baxday walaaca ay ka muujinayaan tallaabada Mareykanka uu qaaday.
Madaxweynaha cusub ee Mareykanka Trump ayaa markii uu kusoo laabtay aqalka cad ee Mareykanka uu wuxuu saxiixay go’aan uu Mareykanka ku joojinayo dhaqaalaha dibada ee uu siiyo dalalka caalamka marka laga reebo Masar, iyo Yahuuda, taasoo uu ku sheegay inay tahay qorsho cusub oo uu la yimid, kadib markii ay fuliwaayeen ahdaaftii uu Mareykanka ka lagaa dowladdaha uu dhaqaalaha siin jiray.