Kooxda Riddada Soomaaliya, ayaa saacadaha nagu soo aaddan lagu wadaa inay Turkiga ku saxeexdo heshiiskii xaaraanta ahaa ee dowladda nasaarada xabashida Itoobiya lagu siiyay qaybo ka mid ah khayraadka Soomaaliya.
Magaalada Ankara oo ah caasimadda Turkiga waxaa ka socda qabanqaabadii u dambeysay ee dowladda Riddada looga saxeexayo heshiiskii uu billowgii sannadkaan badda Somalia ku bixiyay, murtad Muuse Biixi Cabdi, oo ah madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka ah ee la magac baxay Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Riddada ee Turkiga camiilka lagu magacaabo, Hakan Fidan, ayaa saacadihii u dambeeyay si isku mid ah magaalada Ankara ugu qaabilay wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya Taye Atske Selassie iyo midka kooxda Riddada Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Kooxda Riddada ah ee saacadaha soo socda lagu wado inay saxiixdo heshiiskii badboobka ee uu horay u saxiixay Muuse Biixi ayaa tan iyo billowgii sannadkan fagaareyaasha la taagnayd inay ka xuntahay inay Itoobiya hesho bad Soomaaliyeed, balse waxay xaqiiqadu ahayd inay ka xumayd oo kaliya saxiixa Muuse Biixi sida uu ka dhawaajiyay Xasan Gurguurte, isagoo si cad u sheegay in Itoobiya haddii ay iyadu soo mari lahayd ay ku wareejin lahaayeen badda Soomaaliyeed, balse ay kaga xumaadeen kaliya inay Somaliland ka saxiixatay.