Kooxda Riddada Somalia oo tan iyo markii uu Xassan Gurguurte dib ula wareegay Villa Soomaaliya shaqo ka dhigatay baadda dadka shacabka ah ayaa markale soo rogtay lacago cusub oo baad ah, taasi oo ay si adag uga hadleen shacabka caasimadda.
Taliska booliska kooxda Riddada Somalia ayaa shaaciyay in ganacsatada iyo shirkadaha ka howlgala caasimadda ay ka doonayaan bixinta lacago cusub oo baad ah, iyaga oo adeegsanaya warqad diiwaan gelin ah.
Sidoo kale, maamulka dowladda Riddada ugu magacaaban gobolka Banaadir, ayaa dhankiisa soo rogay mashruuc cusub oo lagu baadayo dadka ku dhaqan caasimadda, masuul u hadlay ayaa sheegtay in boorarka ku dheggan jidadka caasimadda laga doonayo lacago baad ah.
Dadka Soomaaliyeed oo ka warcelinayay baadda is-daba joogga ah ee ay soo rogeen murtadiinta ayaa la yaabay baahida madaxda Riddada, waxayna isku raacay in waxa socda uu yahay boob hantiyeed iyo mashruuc dhaqaale doon ah.
Ganacsatada magaalada Muqdisho, ayaa si adag uga hadlay qorshaha cusub ee kooxda Riddadu baadda ku dooneyso, waxay warbaahinta u sheegeen in waxa socdo uu yahay mashruuc dhaqaale raadis ah, shaqada ugu wayn ee ay murtadiintu qabtaanna noqotay baadda shacabka, ganacigii caasimaddana uu dhulka galay.
Murtad Cabdiraxmaan Cabdirashakuur Warsame oo ah ka mid ah xubnaha golaha dawaaqiidda Riddada, sidoo kalena mucaaradsan nidaamka Xassan Gurguurte, ayaa dhankiisa qoraal uu soo dhigay ku sheegay in qorshahan uu qayb ka yahay mashaariicda lacagaha baadda ay ku uruursanayaan madaxda murtadiinta.
“Xaraashkii dhulkii danta guud, canshuurtii tobanka nooc ahayd, lacagihii lagu aruursanayey magacyada tirada badan ee tayo-dhowr, faya- dhowr, kaar caafimaad, tasdiiqin, mid danbi la’aan iwm, qandaraasyadii la isku xirayey, qoyskiilkii, waxaa maanta ku soo kordhay, shirkadaha ganacsiga in ay shahaado danbi la’aan qaataan”. Waxaa sidaas qoraal uu bartiisa soo dhigay ku yiri murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur.