Xilli uu sii xoogaysanayo khilaafka ud haxeeya kooxda Ridada Soomaaliya iyo maamulka ashahaada la dirirka ah ee Jubbaland, ayay kooxda Xassan Gurguurte qaadday tallaabooyin ay xannibaad ku saartay xildhibaanno kasoo jeeda deegaanada uu ka armiyo maamulka Axmad Madoobe.
Xildhibaanadan oo lagu magacaabo Cabdirashiid Jire Qalinle iyo Cumar Qalad-diid kana tirsan golaha dawaaqiidda ee Riddada ayaa tilmaamay in laga hor istaagay in ay ka baxaan magaalada Muqdisho aadaanna dhanka magaalada Kismaayo.
Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Muqdisho ayey sheegeen in lagu xannibay iyaga oo eedaymo kulul ujeediyay madaxa kooxda Riddada murtad Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’zulwazaarihiisa murtad Xamze Cabdi Barre.
Arintaa ayaa kusoo aadaysa xilli kooxda Riddada ah ay cunqabateyn saartay degaannada uu ka armiyo maamulka uu hoggaamiyo murtad Axmad Madoobe, kaddib dagaalladii lagu soo jabiyay maleeshiyaadka murtad Gurguurte ee ka dhacay Raaskambooni.