Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ee ka howlgala wilaayada Sh/dhexe, waxay saacadihii lasoo dhaafay weerar culus oo kammiin ah u dhigeen kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen saraakiil iyo maleeshiyaad murtadiin ah, kuwaasi oo marayey inta u dhaxaysa Ceelbaraf iyo degmada Jalalaqsi.
Allaah fadligiis weerarkan dhabba-galka ah ayaa sidii loogu talagalay u dhacay, waxaana jira khasaare kala duwan oo weerarkaasi ku gaaray kolonyada ka koobnayd saraakiisha millatari iyo maleeshiyaadka kooxda Riddada Somalia.
Dhanka kale, ciidamada guutada qaraxyada mujaahidiinta ee ka jihaada wilaayada Banaadir, waxay saaka oo Sabti ah qarax culus la beegsadeen Controlka maleeshiyaadka murtadiinta ee isgoyska Seybiyaano ee ka tirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.